Friday, June 27, 2025

Taliyaha Booliska oo Afhayeen cusub u magacaabay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Afhayeen cusub ayaa loo magacaabay Ciidamada Booliska, sida lagu sheegay Wareegto kasoo baxday Taliyaha guud ee ciidamada Booliska.

Kabtan Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo afhayeenka cusub ee Booliska dalka, iyadoo afhayeenkii hore uusan muddo dheer shaqeynin markii xilka laga qaaday.

Kabtan Doodishe ayaa la sheegay inuu ciidamada Booliska ku biiray sanadkii 2007-ka, wuxuuna soo dhameystay layli sarkaal oo saddex sanno ah oo uu dibadda u aaday, isagoo ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON