Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa caawa shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo qatarta COVID-19, dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.
Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.
Taliyaha Booliiska waxaa kaloo uu sheegay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawg; wuxuna ka codsanay inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan.
Ciidamada amniga ayaa la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin,
Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii hannaanka ugu habboon ee ugu saameynta yar ay ugu xakameyn lahaayeen faafitaanka Cudurka COVID-19.