Monday, June 23, 2025

Taliyaha Booliska Puntland oo toogasho ku dhaawacay ku-xigeenkiisa & Gacan-ka-hadal dhex maray…

Taliye ku xigeenka Booliska maamulka Puntland Bille C/raxmaan ayaa lagu dhaawacay muran dhex maray taliyaha Booliska, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garowe.

Taliyaha Booliska Puntland C/qaadir Shire faarax (Ereg) ayaa la sheegay rasaas ku riday ku xigeenkiisa kadib muran ka dhashay shir ay lahaayeen Laamaha amaanka iyo maamulka Gobolka Nugaal oo ka socday Hotelka Jubba ee magaalada Garowe.

Dadkii goobjoogga ahaa ayaa sheegay Taliyaha Booliska C/qaadir Ereg uu lasoo baxay Bistoolad markii uu gacan-ka-hadal dhexmaray isaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, isagoo rasaastii uu ku ridayay haleeshay lugtana ka dhaawacday Taliye ku xigeenka booliska Bille C/raxmaan.

Ad

Wararka ayaasheegaya in goobta shilku ka dhacay uu ku sugnaa Wasiirka Amniga Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa, Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Gudoomiyaha gobolka nugaal iyo Taliyaha qaybta booliska Nugaal iyadoo laga hadlayay xaaladda ammaanka.

Ma cusba in madaxda Booliska Puntland uu gacan-ka-hadal dhex maro iyado sanadkii 2016 gacan-ka-hadal dhex maray Taliyihii hore ee Booliska iyo Taliyahii Birmadka uu dhaawac kasoo gaaray Wasiirkii amniga ee xiligaas Cabdi Cali (Qarjab ), ayna ku dhinteen ciidamo dhowr ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON