Taliska Booliska Soomaaliyeed ee dowladda Federaalka ayaa magacaabay tiradii ugu badneyd ee saraakiisha ciidamada Booliska degaanada Galmudug.
Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa magacaabay 19 sarkaal oo qabanaya xilalka Booliska Galmudug oo ay ku jiraan Taliyaha Booliska Galmudug iyo ku xigeenkiisa, taliyeyaasha saldhigyada ciidamada Booliska ee gobollada iyo degmooyinka kala ah: Mudug, Galgaduud iyo Dhuusamareeb, Caabudwaaq , Hobyo, Matabaan, Xeraale iyo Balamballe.
Galmudug ayaa weli hoos tagta dowladda Federaalka, waxaana si toos ah saraakiisheeda Booliska u magacaabaya Taliyaha Booliska Soomaaliya xilli ay leedahay Maamul Goboleed cusub oo dhowaan madaxdiisa la doortay.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

