Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaaladaasi, iyadoo uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray taliyaha ciidamada Booliska ee bartamaha waqooyiga magaaladaasi oo ay maamusho Puntland.,
Taliyaha C/qani Jaamac Axmed (Xabuun) ayaa la sheegay inuu ka shakiyey Gaariga inuu qarax u xiran yahay o ku sugnaa gurigiisa, iyadoo kadibna uu ka fogaaday, lagana kaxeeyay guriga dadkii ku sugnaa, wuxuuna Gaariga qarxay daqiiqado kadib, mana jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi geystay, marka laga reebo burburka soo gaaray gaariga.
Taliyaha ka badbaaday qaraxa oo hadlay ayaa sheegay in xalay intii ay hurdayeen loo soo dhacay gurigooda, iyadoo miino loogu xiray gaariga, balse nasiib wanaag uu arkay miinada ku xiran gaariga, isla markanaa uu guriga ka daad gureeyay qoyskiisa, kadibna uu gaarigu qarxay.
Waxaa socda baaritaan ku saabsan qaraxaasi iyo halka looga soo xiray, iyadoo ciidamada Amniga ay halkaasi gaareen. Alshabaab ayaa inta badan geysata qaraxyada ka dhaca magaalada Gaalkacyo.


