Sunday, April 11, 2021

Taliyaha Ciidamada Booliska oo shaaciyey in la jabsaday Bartiisii Twitter-ka (Akhriso Maxaa lagu faafiyey?)

Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa shaaciyey in laga jabsaday bartiisa Twitterka, kadib markii qoraal kooban oo yaab leh lagu soo qoray maanta.

Taliye Xijaar ayaa baraha bulshada kusoo qoray farriintan: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku wargalinayaa in la jabsaday barta aan Twitter-ka ku leeyahay. War khaldanna lagu qoray. Illaahay mahaddii waan ku guulaysanay in aan dib u soo celinno Koontada. Waxaan bulshada ka raalli galinayaa cilladda dhacday.”

Farriin luqadda Ingiriiska ku qoran ayaa lagu arkay barta Twitter-ka ee Jeneraalka, taasoo u qorneyd: “Weligey waxaan ahaan doonaa Taliyaha Booliska”, inkastoo barta twiterka ee Jeneraal Xijaar aanay dad badan ku xirneyn ayaa shaki laga muujiyey sida loo jabsaday, iyo sida lagu soo celiyay.

Ad
- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow
156,477FansLike
2,430FollowersFollow
5,835FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!