Tuesday, May 18, 2021

Dowladda Mareykanka oo War Cad kasoo saartay khilaafka Doorashada Somaliya iyo Farriin loo diray Madaxda…

Dowladda Mareykanka ayaa War cad kasoo saaray xaaladda Doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan Doorasho dalka ka dhacda.

Qoraal ka soo baxay xoghayahay arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay meel iska dhigaan danahooda gaaban ee siyaasadeed, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay oggolaadaan in si de deg ah loo qabto doorasho daah furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu ayuu yiri war- saxaafadeedka Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka.

Ad

Qoraalka ayaa lagu sheegay n Caqabadaha taagan ay dib u dhigayaan horumarkii laga sameeyay, deyn cafinta Somaliya iyo dhammeystirkeeda, la dagaallanka Argagixisada iyo dhammaan horumarkii la gaaray sanadihii danbe.

Antony Blinken wuxuu bayaankiisa ku sheegay in Mareykanku taageersanyahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay u mudaaharaadaan si nabad ah, isla markaana si weyn uga soo horjeedaan koox kasta oo rabshado abuureysa.

“Waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalkooda, ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayaa lagu soo gabagabeeyay War-saxaafadeedka Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka.

- Advertisement -

Waxaa muuqata in war-saxaafadeedyada arrimaha Soomaaliya oo markii hore safaarada ku ekaa ay hadda u gudbeen xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada (State Department), kadib markii uu xoogeystay is mari waaga madaxda Soomaalida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,310FansLike
2,430FollowersFollow
5,842FollowersFollow
158,310FansLike
2,430FollowersFollow
5,842FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!