Sunday, June 22, 2025

Taliyaha Ciidamada Booliska oo shaaciyey tirada Qasaaraha Qaraxii Ex. Kontrol, iskana difaacay Muuqaal laga faafiyey

Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shaaciyay qasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho, isagoo iska difaacay muuqaal looga baahiyey baraha bulsahda.

Taliyaha ayaa sheegay inaan xilliga ay ku sugnaayeen goobta qaraxa aysan suuragal ahayn in la shaaciyo tirada qasaaraha, ayna la sugayeen waqtiga inta laga xaqiijinayo ayna hadda shaacin karaan tirada rasmiga ah markii la hubiyey isbitaallada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inay qaraxa ku dhinteen 79 qof, halka dhaawacu ka badan yahay 100 kale.

Jen. Xijaar ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay goobta uga dhinteen saraakiil iyo saraakiil xigeen, iyagoo u diiday inuu gaariga soo galo magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Ad

Taliyaha ayaa baraha bulshada looga faafiyey muuqaal uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu sheegayo inuusan tirada qasaaraha sheegin, xilli uu Duqa Muqdisho uu shir jaraa’id ku qabtay Ex. Kontrol Afgooye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON