Wednesday, June 25, 2025

FAAQIDAAD: Gen. Maxamed Sheekh oo noqday taliyaha ugu safarka badan taliyeyaasha ciidamada Somaliya.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa jebiyay rikoorka safarrada iyo socdaalka dibadda ee taliyeyaashii ka horeeyay kadib markii uu noqday taliyihii ugu safarka badnaa muddo 10 bilood ah oo uu xilka hayay.

Jeneraal Maxamed Sheekh oo hore u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga waxaa loo wareejiyay taliyaha ciidamada  Booliska xilkaas oo uu la wareegay bishii May 2015 iyadoo bil kadib loo dalacsiiyay sareeye Guuto. Wixii markaas ka danbeeyay waxaa laga dareemay inuu yahay nin aad ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh oo tallaabooyin dhowr ah qaaday si uu u hagaajiyo  ciidamada Booliska.

Deeqo gaadiid u badan oo dowladda Soomaaliya ka heshay dalalka deeqda bixiya ayuu u  qeybiyay goboladda dalka, wuxuuna booqday dhammaan maamulada dalka marka laga reebo Somaliland, sidaasoo ay tahayna waxaa saraakiisha Booliska ay sheegeen in howlo badan u xayiran yihiin socdaaladiisa badan awgeed iyadoo aan weli la xalin mushaaradka ciidamada ka soo daaha oo dhibaato badan ay ku qabaan.

Socdaalada Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ee joogtada ah waxay noqdeen kuwo aan dhammaad lahayn oo aan xitaa loo hakin xaalad kasta, dalalka uu tegay muddo laba bilood ah waxaa ka mida: Mareykanka, Turkiga, Tunisia iyo Talyaaniga.

Taliyuhu wuxuu  dhowaan u socdaalay dalka Tunisia isagoo ka mid ahaa wafdiga wasiirka arrimaha gudaha oo shir ammaanka ku saabsan  uga qeyb galay dalkaasi, waxayna ku beegneyd xilli Baarlamaanka Soomaaliya ka sugayeen inuu hor tago si wax looga weydiiyo xaaladda ammaanka Muqdisho.

Intaas kuma ekeysane Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasn wuxuu socdaalkiisii Tunisia kadib u kooreytsay dalka Talyaaniga oo uu hadda socdaal ku marayo, isagoo aan dalkii ku soo laaban, xilli madaxweyne Xasan Sheekh oo isna safarradda dibadda rikoor kale ku heystay uu ka xishooday inuu socdaal ku tago dalka Sweden oo booqasho rasmi ah uga balansaneyd taasoo ahayd markii ugu horeysay ee tallaabo noocaasi ah uu qaado.

Iyadoo laga dheregsan yahay xaaladda ammaanka ee Muqdisho, isla markaana ciidamada Booliska loo xil saaray qeyb ka mida caasimadda Muqdisho ayuu Taliyihii Booliska ku jiraa safarro is daba joog ah oo dibadeed, waxaana muuqata inuusan weli ka dhergin ku socdaalida diyaaradaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON