Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay ciidamada milateriga ee uu xukumo iyo dhibaatoyinka ay ku hayaan shacabka Muqdisho, kadib markii ay laba habeen oo isku liga saddex qof ku dileen caasimadda.
Jeneraal Bixii oo la hadlayey Askar katirsan ciidamada Gorgor oo Dalka Turkiga kasoo laabtay ayaa sheegay in kiisaska ciidamada Milateriga ku lug yeeshaan lagu dhammeeyo xeer jajab iyo in diyo la kala qaato, taasoo amniga dhibaato ku ah, sida u yiri.
“Waxaan haynaa kiisas Askar & Dad Shacab ah ama Askar dhexdooda is dishay oo markii Maxkamadda la horgeeyay labadii qolo ay heshiiyeen oo Mag la kala qaatay kaddibna kugu soo laabanayo qofkii shalay Maxkamadda la geeyay oo lagu dhahaayo mag baa la kala qaatay, Arrintaas waxa ay qayb ka noqoneysaa Amni darrada magaalada ka jira” .
Wuxuu ku hanjabay in maxkamadda Ciidamada Milateriga loo gudbinayo askarigii qof shacab ah rasaas ku rida, wuxuuna cambaareeyay in ciidamada Dowladda Federaalka ay dad shacab ah ku dilaan Magaalada Muqdisho.
“Qofkii qof shacab ah xabbad ku rida Wallaahi Tiirka Maxkamadda ayaan geyneenaa, waa nasiib darro in Dhalinyaro waalidkii dhalay wax baray in la dhaho waxaa dilay Ciidamo katirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayaa ka mid ahaa khudbad uu jeediyay Taliyaha ciidamada dhulka.