Sunday, June 22, 2025

Magaalada Boosaaso oo isu bedeshay Aag Ciidan (Akhriso Xaafadaha la kala joogo iyo Amar lagu soo rogay)

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay xaaladda magaaladaasi sii adkaaneyso, kadib amar amni oo xalay ka dhaqan galay.

Ciidamada amniga Puntland ayaa joojiyey in magaalada la galo, waxaana la ogol yahay oo kaliya in laga baxo, kadib markii amar kasoo baxay madaxda Puntland, taasoo lagu sheegay howlgal lagu sugayo Amniga magaalada Ganacsiga ugu weyn ee Puntland.

Arrintan ayaa salka ku heysa xiisadda ka taagan xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamud C/llaahi Diyaano oo ah ciidamo gaara oo ay Mareykanka u tababarreen, waxaana toddobaadkii labaad xal laga gaarin arrintan oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal isu bedesho.

Ad

Magaalada Boosaaso oo ka kooban afar xaafadood oo waaweyn, ayey xaaladda cakiran ka taagan tahay xaafadda Ridwaan ee ku taala dhanka Bari ee magaalada, halkaasoo oo ciidamada ugu badan la geeyay. 

Xaafafan ayaa hadda isu badeshey dhufeysyo iyo aagag ay difaac ugu jiraan labada ciidan ee Puntland iyo PSF-ta, waxaana xilli kasta suurtogal tahay in ay noqdaan furumo ay ciidamo ku hardamaan. 

Waxaa xaafada Ridwaan ku yaalla goobaha muhiimka ah sida: dekeda weyn ee Boosaaso, taas oo ay ku suganyihiin ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay taageerto dowladda Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Waxaa kaloo ku taala xerada ciidamada PSF ee diidan inay ka amar qaataan Madaxweynaha Puntland iyo agaasimaha cusub ee uu usoo magacaabay hay’addan. waxaya saldhigga PSF iyo Dekadda Boosaaso isugu jiraan wax yar oo ay kaliya u dhaxeeyaan xarumaha hay’adda WFP iyo Shirkadda Doomaha. 

Dhinaa kale waxaaisla goobtaasi ku taalla Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso oo ah dhisme uu madaxweynaha Puntland dego , isla markaasna ay ku sugan yihiin ciidamada illaalada madaxtooyada. Waxaase la geeyay ciidamo cusub oo xoog leh, kana tirsan kuwa Daraawiishta Puntland oo wata Hub culus.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON