Thursday, April 18, 2024

Taliyaha Ciidamada Milateriga oo shaaciyey inay taageero dirayaan Shacabka la dagaalamaya Alshabaab

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay taageero siinayaan shacabka billaabay kacdoonka iyo dagaalka ay isaga xoreynayaan kooxda  Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka  Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) ayaa sheegay in shacabka ay u adkeysan waayeen dhibaatada Al-shabaab, isla markaana ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed u qorsheysan tahay in sanadka soo socda dalka oo dhan ka saaraan Al-shabaab.

“Waxaan ballanqaadnay inaan kordhino dagaalladii iyo howlgalkii ka dhanka ahaa Al-shabaab, isla markaana taageerno shacabka Soomaaliyeed ee raba in dulliga iska qaadaan, ciidanka xoogga dalka waxaa u qorsheysan in sanadka soo socda iyo sanadkaan inta ka harsan ay dalka ka xoreeyaan nabad diidka ALshabaab” ayuu yiri taliye Indha-qarshe.

Alshabaab ayaa dagaal culus ku qaaday dad shacab oo ka hor yimid degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay laba ka mida hoggaamieyyaashii kooxda la baxday Macawisley.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON