Tuesday, June 24, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tegay Degaanka Baar-Sanguuni ee lagu dilay askarigii Mareykanka [Sawirro]

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada AL-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo kooxda Alshabaab ay dhowaan ku dileen askari ka tirsan Mareykanka, kuna dhaawacmeen 4 kale weerar ay ku qaadeen saldhig halkaasi ku yaalla.

Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab.

Image may contain: 1 person

Image may contain: one or more people

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON