Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta la wareegay xilka loo magacaabay.
Munaasabad ka dhacday xarunta Booliska ee magaalada Muqdishooo waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, iyadoo ay ka qeyb galeen taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula dardaarmay taliyaha Booliska iyo uu si hufan uu u guto waajibaadkiisa shaqo. Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay uga mid ahaa Taliye ku-xigeenada Ciidanka Booliska.
Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa 19-kii bishan waxay magacaabeen Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta oo muddo 3 bilood ka badan bannaanaa, waxayna ku soo beegmeysaa iyadoo weerarro ay xalay ka dhaceen magaalada Muqdisho.