Tuesday, July 1, 2025

Taliyaha Cusub ee Ciidamada oo Booliska tallaabo muhiim ah qaaday [Amar uu ku bixiyey in la joojiyo bixinta..]

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa qaaday tallaabo muhiim ah, kadib markii uu maanta kormeer ku tegay XaruntaDembi Baarista ciidamada Booliska ee CID-da, gaar ahaan qeybta bixisa Waraaqaha Dembi La’aanta.

Taliyaha Booliska ayaa si toos ah uy wareystay Dadweynihii halkaasi u tegay inay helaan warqadda demi la’aanta oo dowladda Somalia ay ku xirtay adeegyo fara badan sida basaaboorka, Warqadda dhalashada, Leysinka Baabuur wadista iyo qaar kale, waxaana dhowaan saxaafadda gudaha ay soo bandhigtay dhibaato isugu jirta musuq iyo adeeg xumo xaruntaasi hareysay, iyadoo lagu shaqeeyo qalabkii toddobaatameeyadii sida Teebka gacanta.

Taliye Xijaar ayaa dhex galay dadweynaha safafka dhaadheer ugu jiray adeeggaasi oo ka hadlay dhibaatadd aay ku qabaan iyo xilliga ay safka ku jiraan oo ay u dheer tahay musuqa hareeyay bixinta warqadaasi, wuxuuna kormeerkiisa kadib Taliyaha soo saaray Amar ah in la joojiyey shaqadii fara-qaadisa iyo bixinta waraaqaha dembi la’aanta muddo 3 maalmood ah.

Jen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa ballanqaaday inuu muddo kooban lagu keeni doono Qalabka Casri ah, iyadoo la dhisi doono Hoolal waaweyn oo fadhi leh si loo yareeyo saxmada iyo ciriiriga ka jira xarunta CID-da.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee taliyaha ciidamada Booliska si toos ah ugu kuurgalo xaaladda dadweynaha Soomaaliyeed ee dhibaatadda ku qaba xarunta CID-da.

Image may contain: 7 people, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON