Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa ka jawaabay su’aalo adag oo laga weydiiyey sababta ilaalada xildhibaannada looga reebay koontaroollada Madaxtooyada laga galo kadib weerarkii Hotel SYL.
Wasiirka Gaashaashaandhigga ayaa sheegay in arrintan ay ka danbeysay weerarkii ka dhacay Hotel SYL, ujeedkuna ay ahayd in la sugo amniga madaxtooyadai yo madaxda kale ee dalka, ayna saxayaan haddii ay jiraan khaladaad dhacay, iyadoo haddaba arrintaasi ay dhammaatay, sida uu yiri.
Taliyaha ciidamada Qalabka Sida Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inuu isagu bixiyey amarka ah in ilaalada xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale lagu celiyo koontaroollada laga soo galo Madaxtooyada, waxaana uu intaas ku daray inay keentay dhacdadii Hotel SYL ee Alshabaab ku galeen hotelkasi.
Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay inaan ilaalada laga reebeynin xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta wadooyinka soo gala Madaxtooyada isaga gudbaya, laakiin kaliya laga reebayo kuwa doonaya inay Madaxtooyada hore u sii galaan ee ilaalada ku dejinaya wadadda .
Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo xildhibaannada ay weydiiyeen, isagoo iska difacay eedo badan oo loo jeediyey, sida uu qabiil ku dalacsiiyo saraakiisha ciidamada, taasoo uu si kulul u beeniyey.