Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliye ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir oo goostay, kuna biiray dhinaca ciidamada ka horjeeda Muddo kororsiga Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Shibis Dhamme Farxaan Axmed Xasan (Jaraaye) oo wata gaari Cabdi- bile ah iyo ciidamo la socda ayaa ku biiray ciidanka ku sugan Aagga Mirinaayada ee difaacaua Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyaha Booliska saldhigga degmada Shibis ayaa kamid ahaa taliyaashii la magacaabay markii xilka laga qaaday Jen. Saadaq Joon, wuxuuna taliye ku xigeen ka ahaa saldhiga degmada Yaaqshiid.
Taliyaha goostay oo shir jaraa’id goor dhow qabtay ayaa sheegay inuu gartay hadafka laga leeyahay dagaalka Muqdisho, isla markaana uu goostay inuu isaga tago, kuna biiro walaallihiis, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha Booliska inay tallaabadaas oo kale qaataan.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay wado u noqoto ciidamo iyo taliyeyaal kale oo ka goosta ciidamada taageersan madaxweynaha waqtidiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

