Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa taliye cusub u magacaabay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay ciidamada, taasoo ka howlgeli doonta degaanada labada gobole ee Maamulka Hirshabeelle.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/weli Jaamac Xuseen Gorod ayaa Magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 27-aad, waxaana loo Magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto oo horay u ahaa Taliyaha Qeybta 12-ka April Ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo lasoo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa Lagu Magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto. Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ah qeyb Cusub, waxaana ay ka howl gali doontaa Deegaanada Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.
AKHRISO WAREEGTADA