Sunday, July 13, 2025

Agaasime cusub oo loo magacaabayo Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed [NISA-Waa kuma?]

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliye cusub u magacaabaya Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kadib markii dhowaan xilka laga qaaday taliyihii hore C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Taliyaha NISA waxaa hadda kumeelgaara madaxweyne Xasan Sheekh ugu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud. Waxaana agaasimaha cusub ee NISA loo magcaabay uu yahay nin qurbe joog ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Cusmaan, waxaana wararku sheegayaan in waqti dhow lagu dhawaaqayo.

Agaasimaha cusub ee NISA ayay wararku sheegayaan inuu ka tirsan yahay  saaxiibada madaxweynaha iyo kooxdiisa Damjadiid.

Xilligan kala guurka ah ayaa waxaa ka socda xafiisyada dowladda magacaabid xilal cusub  iyo xil ka xayuubin  madax hore iyadoo ay arrintan salka ku heyso doorashada 2016 oo madaxweynuhu doonayo inuu helo taageerada ugu badan ee beelaha iyo xildhibaanada cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON