aliyihii ciidamada amaanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga qaaday xilkii uu ka hayay Villa Somalia iyadoo markii ugu horeysay jagadaasi loo dhiibay mid ka mida agaasimeyaasha madaxtooyada.
Duraan Maxamed Cali ayaa horaantii bishan xilkii looga qaaday arrimo la sheegay inay halis geliyeen ammaanka madaxtooyada oo ay ka mid yihiin:
1. In ciidamo aan ka diiwaan gashaneyn madaxtooyada uu keenay villa Somalia
2. In lagu tebay hub maqan oo madaxtooyada lagu ilaalin jiray
3. iyo Kiis kale oo la xiriira shaqadiisa
[ad name=”HTML-3″]
Waxaa si kumeelgaara xilkaasi loogu dhiibay Ibrahim Sheekh Muxyadiin oo ka mid ahaa agaasimeyaasha madaxtooyada una qaabilsan dhinaca agaasinka. Wararka ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegaya in taliyaha hore baaritaan lagu wado.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]