Taliye u dhashay dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM
kadib markii uu xilka baneeyay taliyihii hore ee AMISOM General Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya.
Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo si rasmi ahna maanta ula wareegay xilka taliyaha ciidamada AMISOM.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa soo dhoweeyay taliyaha cusub ee AMISOM, wuxuuna sheegay in imaanshaha Jeneraal Subagle uu yimid waqti xasaasi ah oo aad loogu baahnaa.
Kadib markii ay dhammaatay xilligii General Jonathan Rono uu taliyaha u ahaa AMISOM ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya laga sugayay inay soo magacawdo taliye xilka kala wareega, laakiin waxaa arrintaasi ka dhashay khilaaf markii Itoobiya dalbatay in ciidamo ka socda la geeyo Muqdisho iyo arrimo kale.
Magacaabidda taliye bedela General Jonathan Rono oo Kenyaati ahaa ayaa qaadatay in ka badan 6 bilood waxayna khilaaf hoos oo darran ka dhex dhalisay dalalka ciidamada AMISOM ka socdaan iyo Itoobiya.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com