Maleeshiyada Alsbaab ayaa saaka dagaal culus ku qaaday saldhigga ciidamada dawladda Soomaaliya ee degaanka Daynuunay, duleka magaalada Baydhaba.
In ka badan 5 askari ayaa ku dhimatay weerarka oo uu ku jiro taliye ka tirsan ciidanka oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Boorweyne . Saddex ka mid ah ciidanka ayaa la sheegay inay ku dhinteen miino la qaraxday xilli ay gurmad ugu sii socdeen saldhigga Deynuunaay.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana wararku sheegayaan in maleeshiyada Al-Shabaab ay saacadihii hore ee saaka galeen saldhigga, inkastoo goor dambe ay ciidamo gurmad ah xoojiyeen kuwa dawladda isla markaana dib uga saareensaldhigga.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegayey inay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab iyadoo faahfaahin aysan weli soo bixin. Daynuunay ayaa ah saldhig milatari oo 1KM u jra magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.