Wednesday, June 25, 2025

Taliye ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo shaaciyey in la dilay 80 ka mida kooxda Alshabaab

Taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa shaaciyey in tiro ka badan 80 maleeshiyo oo Alshabaab ah lagu dilay howlgallo kal duwan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 52-aad ee fadhigeedu yahay Gobolka Hiiraan Jen. Maxamed Axmed Treedishe ayaa sheegay in howlgallo Gobolka Hiiraan ka oo socday Afartii bil ee lasoo dhaafay ay ku dileen in ka badan 80 Al-shabaab ah, iyagoo qasaarooyin kalena gaarsiiyey.

Wuxuu sheegay inay weli howlgallada socdaan, ayna sii wadi doonaan, iyagoo sida uu sheegay guulo ka gaaray dagaallo ay la galeen Alshabaab oo ka dhacay degaanka Moqokori, wuxuuna sii raaciyay inay xeelad uga soo baxeen degaankaasi.

Taliyaha ayaa ku hanjabay inay diyaar u yihiin inay la wareegaan, Alshabaabna ka saaraan degaanada Gobolka Hiiraan iyadoo kaashanaya ciidamada AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON