Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa weerar aan hore loo arag oo afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ku eeedeeyay inuu doonayo muddo Kororsi uu xukunka dalkiisa kusii heysto.
Jen. Biixi oo ka hadlayey degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in Ismaaciil Cumar Geelle uu yiraahdo inay Soomaaliya gardarran tahay, balse uu taasi ku doonayo inuu xilka ku dheereysto.
“Waxaa ayaan daro ah in dowladda Jabuuti ama Ismaaciil Cumar Geelle uu yiraahdo Soomaaliya ayaa gardaran, waa ayaan darro. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa, Shacabka Reer Jabuuti waa walaalihiin!, raalli kama ay ahan waxa lagu hadlay iyo waxa ka soo baxayba, waxay qaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle ee uu ku dherarsanayo Xukunkiisa” ayuu yiri Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya.
Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi waa Taliyihii ugu horeeyay ee arrimo siayasadeed faraha la gala si toos ahna u weerar ugu qaada siyaasadda Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

HOOS KA DAAWO