Tuesday, June 24, 2025

Taliye ku xigeenkii Ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada ilaalada Madaxtooyada lagu dilay toogasho.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray G/Sare Cabdi Qoorgaab, wuxuuna ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Madaxtooyada, iyadoo dilku ka dhacay gudaha Madaxtooyada.

Dilka sarkaalka waxaa geystay askari ka tirsanaa ciidamada oo ilaalo u ahaa taliye xigeenka, kaasoo muran dhex maray, waxaana ay dhalisay inuu toogto sarkaalka oo isla goobta ku geeriyooday.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu baxsaday askariga dilka geystay, kadib markii uu falka dilka ah geystay.

Muranka uu ka dhashay falkan ayaa la sheegay inuu gunada la siiyo ciidamada, weliba ma jiro war ay falkan ka soo saareen saraakiisha Madaxtooyada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON