Monday, June 23, 2025

Taliye ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla oo kashifay Siro u Qarsoonaa NISA & Halis ku dhex jirta [Akhriso]

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jen, Cabdalla Cabdalla Maxamed oo uu dhowaan xilkii ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya ayaa afka furtay, isagoo kashifay siro qarsoon oo ka dhex jira Hay’adda sida iyo qaabkii xilka looga qaaday.

Jen. Cabdalla Cabdalla oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay inaan marka loo sheegin sababta xilka looga qaaday, isla markaana aan xilkii lagala wareegin ilaa xilligan, wuxuuna kashifay inay Hay’adda NISA ku dhex milmeen xubno Alshabaab ka tirsan oo uu sheegay inay ku dhex jiraan xubnaha Hay’adda.

Wuxuu intaas ku daray in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda laga wareejiyey hadafkii loo abuuray oo loo adeegsaday caburinta siyaasiyiinta iyo dano gaara, isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay inay burburin ku wadaan hay’adda, iyadoo ciidamadii hubeysnaa ee NISA si habqan ah loogu wareejiyay ciidamada kale, sida uu yiri .

Ad

Waa markii ugu horeysay ee mas’uul sare oo NISA ka tirsan oo qirta in Alshabaab ay gacan ku yeesheen hay’adda sirdoonka dowladda, waxayna arrintan soo baxeysaa iyadoo guddoomiye ku xigeenka NISA loo magacaabay Fahad Yaasiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON