Taliye xigeenkii Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed ayaa xog badan ku soo bandhigay wareysi uu bixiyey isagoo ka hadlay arrimo fara badan oo ku xeeran hay’adda NISA iyo dhacdooyinkii qabsaday.
Taliye ku xigeenkii koowaad hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa sheegay in xafiiskiisa la jabsaday, loona diiday inuu galo, iyadoo lagala baxay sir Qaran oo muhiim ah, isagoo mas’uuliyadda arrintaasi dusha u saaray madaxdii Hay’adda, wuxuuna ku tuhmay inay ka danbeeyeen xubno Alshabaab ka tirsan oo ku dhex jira Hay’adda
Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in laga goostay mushaarkii iyo gunadii, isla markaana halis loo geliyay caddow uu muddo badan la dagaalameyay, wuxuuna baaq u diray madaxda sare ee dowladda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA