Sunday, July 13, 2025

Taliyeyaal caan ah oo loo magacaabay Guutooyin ka mida ciidamada Xoogga Dalka

Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga Dalka Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay qaar ka mida Guutooyinka ciidamada Milatariga.

Saraakiisha xilalka loo magacaabay ayaa ka mid ahaa saraakiishii Badbaado Qaran oo ka hor yimid muddo kororsigii Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qaarkood dowladaasi ay dacwado kusoo oogtay.

Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Binh Abii Daalib oo ah ciidamo cusub oo tababar sare kusoo qaatay dalka Masar ayaa magacaabay Ismaaciil Cabdi-Maalik oo dowladii Farmaajo ay xirtay, kana qaaday xilka Taliyaha ciidanka Danab ee Mareykanku tababaray.

Taliyaha ciidamada Xooogga dalka ayaa Jeneral Maxamed Maxamuud Guutaale (Qataatow) u magacaabay Taliyaha Guutada 1aad ee Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab ayaa loo magacaabay Col. Mukhtaar Xasan Tifoow (Shaah-ma-cabe), wuxuu hore u soo noqday Abaandulaha Guutada 4-aad Qeybta 27-aad ee xoogga, isagoo ka mid ahaa saraakiishii Badbaado qaran.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON