Monday, June 23, 2025

Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo looga yeeray magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ugu yeeray taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee dowlada Somalia inay tagaan magaalada Dhuusamareeb.

Taliyayaasha ciidamada dowladda Somalia ee maanta tegaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mida: Taliyaha Ciidamada Xoogga Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. Bashiir Maxamed Jaamac.

Arrintan ayaa ka dambeysay heshiis dhex maray Ahlu suna iyo dowladda Federaalka, iyadoo Taliyeyaasha ciidamada lagu wareejinayo ciidamada Ahulu suna ee ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Ad

Dhuusamareeb waxaa weli ku sugan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiiro iyo xildhibannada labada Gole ee kasoo jeeda Galmudug, waxaana halkaasi ka socday wadahadallo ku saabsan xaaladda Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON