Thursday, April 18, 2024

Taliyeyaasha Ciidamada oo Amarro ku soo rogay Saraakiisha Baraha Koontaroolada ee Muqdisho [Akhriso]

Taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ayaa soo saaray qodobbo ay sheegeen in wax looga qabanayo xaaladda amniga, kuwaasoo laguna xisaabtamayo saraakiisha ciidamada kadib markii uu maanta kulan degdeg ah isugu yeeray madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, inay si dhaqso leh ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga dalka iyo Qaraxyadii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Hotelka Saxafi, iyadoo lagu dilay 52 qof, 106 kalena lagu dhaawacay.

Taliyeyaasha Ciidamada ayaa kulan gaara oo ay ku yeesheen xarunta Taliska Ciidamada Booliiska uga hadlay isla xisaabtanka amniga, adkeynta baraha lagu baaro gaadiidka iyo muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Ad

Taliyaha Ciidanka BooliskaGen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay shirkooda ka soo baxeen qodobbo adag oo ka dhan ah gudasha la’aanta masuuliyaadda amni ee askarta iyo saraakiisha.

“Maanta waxa uu Madaxweynuhu isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, ma qaadan doonno mar dambe mana yeeleyno in baabuur dad hubeysan ay saaran yihiin bartii-koontarool oo uu soo dhaafo ayaa qaadaneysa mas’uuliyaddeeda, dhibkii dhaca cid unbaa mas’uuliyaddeeda iska leh waxaan ka bilaabeynaa ciidamada booliska ee taagan baraha-koontarool, baaristiina waa socotaa” ayuu yiri taliyaha Booliska.

Taliyeyaasha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxyadii argagixiso ee dhacay Jimcadii, isla markaasna sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ka gaabisay in ay ka hortagaan falkaas arxan darrada ah ee lagu gumaaday shacabka.

Saddexda Taliye ayaa u muuqda inay mas’uuliyadda qaraxyadii ugu danbeeyay ee Muqdisho ku wareejiyeen saraakiisha ka hooseysa, iyadoo aanu kulanka kasoo muuqan taliye ku xigeenka iyo kusimaha agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON