Taliyeyaasha Qeybaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta magaalada Muqdisho
ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga arinsanayo dib u billaabista howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, kaasoo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga harsanyihiin qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah godoominayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo taliyaha howlgalka AMISOM Sareeya guud Cismaan Nuur Subagle.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Saraakiil ka kala socotay dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka taagaara Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM tababarka iyo Qalabeynta Ciidamada.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada XDS ay hoggaaminayaan howgalka cusub ee alshabaab looga Xoreynayo Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin la dagaalanka cadawga qaranimada Soomaaliya ee xiriirka la leh Al-qaacida.
Gen Maxamed Aadan Axmed ayaa ku boorriyay Saraakiisha dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya in ay xoojiyaan dib u dhiska ciidamada Xoogga Soomaaliya, si ay Ammaanka dalka hantaan marka lagaaro ka bixitaanka ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in dagaalka al-shabaab uu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana aysan jirin Awood ay isaga difaaci karaan howlgalka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM.
AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa diyaarinaya qorshe howlgal cusub oo lagu qaado Alshabaab, kaasoo ka dhici doona qeybo ka mida Koonfurta Soomaaliya.
SONNA