Thursday, June 26, 2025

Taliyeyaashii Saldhigyada Booliska G/Banaadir oo isku shaandheyn lagu sameeyay [Akhriso]

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen, C/xakiin Daahir Saacid ayaa isku shaandheyn ku sameeyay taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyeyaasha qaarkood ayaa xilka laga qaaday iyadoo la kala bedelay taliyeyaasha kale, wuxuuna isbedelkan saameyn ku yeeshay dhammaan taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka caasimadda Muqdisho.

Taliyeyaashii degmooyinka Shibis, Xamarweyne iyo Hodan ayaa loo magcaabay taliyeyaasha kale xilalka loo kal wareejiyay. Taliyaha booliska Shibis ayaa loo magacaabay  Gaashanle Xabad Raage, halka taliyaha Xamarweyne loo magacaabay G/le Xasan Duullane. sidoo kale taliyaha cusub ee saldhiga degmada Hodan ayaa loo magacaabay G/le C/fataax Bashiir Cali.

Isku shaandheynta taliyeyaasha ciidmada ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah isbedello waaweyn oo taliyaha Booliska ku sameynayo ciidamada Booliska iy hoggaanadooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON