Weerar ay kooxda Alshabaab si gaadmo ah ugu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka duleedka magaalada Buurkhakaba, ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada dowladda ee degmada Buurhakaba.
Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay in weerarka oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba lagu dilay Col. C/raxmaan Cismaan Abroone iyo saddex ka mida ilaaladii la socotay oo jidgooyo ay u dhigeen kooxda Alshabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyey weerarka iyo qasaaraha gaaray ciidamada dowladda, iyadoo ciidamadii Alshabaab ee weerarka qaaday la sheegay in laga dilay 11 ka mida sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.