Sunday, July 13, 2025

Taliyihii Ciidamada Itoobiya oo la toogtay & Madaxweynihii maamulka Axmaarada oo la dilay [Wararkii ugu danbeeyay]

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya afgembi dhicisoobay oo shalay ka dhacay maamulka Amxaarada dalka Itoobiya, kadib markii askari is abaabushay ay weerar ku qaadeen goob ay ku shirsanayeen madaxda maamulkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo telefishanka dalkaasi ka hadlay isagoo xiran dareyska Milateriga heegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay, kadib qalalqaase ka dhcay maamulka Amxaarada ee Waqooyiga Itoobiya, wuxuuna falkaasi ku eedeeyay koox uu ku sheegay calooshood u shaqeystayaal.

Wuxuu kaloo sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo magaalada Bahir Dar lagu dilay madax ka tirsan maamulka Amxaarada, isagoo sheegay saraakiisha ay saaxiibadood laayeen xilli ay shir ku jireen. Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaan faafhaahin xaaladda taliyaha ciidamada dalkaasi, iyadoo wararku sheegayaan inuu dhintay.

Weli ma cadda waxa ka dhacay maamulka Amxaaradda, waxaana hadda soo baxaya in is rasaaseynta ay socotay muddo 4 saacadood ah, welina ay xaaladda kacsan tahay iyadoo wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegayaan in madaxweynihii maamulka Amxaaradda Ambachew Mekonnen isna la dilay markii lagu weerarray xafiiskiisa, waxaana la dhintay la-taliyihiisii Ezez Wasie, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya.

General Seare Mekonnen – Taliyaha ciidamada Itoobiya ee la toogtay
This image has an empty alt attribute; its file name is D9riQJtW4AAL3cQ.jpg
Ambachew Mekonnen – Madaxweynihii maamulka Amxaaradda ee la dilay

Waxaa maqan internet-kii dalka Itoobiya oo hawada laga saaray qalalaasaha dalkaasi ka jira awgiisa, halka Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykanka ay soo saartay digniin ku saabsan xaaladda dalka Itoobiya.

Xer ilaaliyihii Gobolka Amxaaradda oo dhaawac culus soo gaaray

Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijisay geerida madaxweynaha Maamulka Amxaaradda iyo la-taliyihiisa, waxaana weli la hubin geerida taliyaha ciidamada Kenya oo gurmad u tegay magaalada BahirDar balse halkaasi lagu toogtay, xaaladiisana la isku khilaafsan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON