Taliyihii labaad ee saldhiyada Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka goostay dhinaca dowladda, kuna biiray ciidamada gadoodsan ee ka horjeeda muddo kororsiga Maxamed Farmaajo.
Taliyihii Saldhigga degmada Yaaqshiid Faarax Caddaani Maxamed oo wata gaari nooca dagaalka ah iyo ciidamo la socd ayaa ku biiray ciidamada saldhigoodu yahay degaanka Mirinaayada oo uu degan yahay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Waa taliyii labaad ee saacado gudahood ka goosta Booliska Gobolka Banaadir, una gala ciidamada ka horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, iyadoo la sheegay inay sii xoogeysnayo kala qeybsanka ciidamada.
Taliyihii Saldhigga Boolika degmad Shibis Farxaan Jaraaye ayaa isla maanta ku biiray ciidamada Mucaaradka.
