Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay maqribnimadii Caawa toogasho ku dileen Taliyihii ciidamada Nabadsugidda Gobolka Mudug ee maamulka Puntland.
Dilka oo ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, wax yar ka hor Salaadii Maqrib, waxaana dilka geystay laba dhalinyarro ah oo bistoolado ku hubeysnaa oo rasaas ku furay taliyihii ciidamada Nabadsugidda Gobolka Mudug Aadan Xaashi Cilmi (Farey), isagoo goobta ku geeriyooday, waxaana dilkaasi khaarijinta ah waxaa sheegtay Alshabaab.
Falka lagu dilay taliyihii ciidamada Nabadsugidda Gobolka Mudug Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa qeyb ka ah dilal iyo qaraxyo ay Alshabaab ka fuliso magaalada Gaalkacyo.