Monday, July 7, 2025

Taliyihii NISA ee Galmudug oo loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Taliyaha cusub ayaa loo magacaaabay Col. Mahdi Cumar Muumin oo ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda NISA ee Galmudug, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Hay’adda NISA.

G/le Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa bedelaya Taliyihii hore Jeneraal Farxaan Qaroole oo 30-kii September lagu dilay qarax Miino oo ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha cusub ayaa waqtigiisa inta badan ku qaatay Hay’adda NISA, waxaana aad u yar khibradiisa Booliska, wuxuuna mar nnoqday Taliyaha Arrimaha Bulshada Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON