Taliyihii Ciidamada Booliiska ee Qeybta Galbeed Maxamed Daahir ayaa xilka laga qaaday, iyadoo taliye cusub xilkaasi loo dhiibay.
Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadista Col. Maxamed Daahir ay ka danbeysay anshax darro iyo amar diiro uu kula kacay kusimaha taliyaha Booliska Soomalaiyeed Gen. Mukhtar Xuseen Afrax , waxaana xilkiisa loo magacaabay Qaasim Axmed Rooble.
Taliyaha qeybta galbeed ee Muqdisho ayaa la sheegay in howglal loogu diray duleedka magaalada Muqdisho kadib xog la helay uu dadkii loogu talogalay in lasoo xiro qaarkood si kutalagal ah uga soo tegay, isagoo qaar kale soo qabtay.
Arrintaas kadib ayaa xogta la helay sheegeysaa in taliyaha Booliska uu amar ku siiyay Col. Maxamed Daahir inuu dib ugu laabto goobtii howlgalka oo uu keeno dadkii uu kasoo tegay, taasoo uu ka biyo diiday, isagoo kadibna u gacan qaaday taliye Jen. Mukhtaar, ayna xaaladu gaartay inay bistoolad isula baxaan, waxaana taliyaha Booliska uu amar ku bixyay in la xiro.
Maxamad Daahir oo muddo dheer Booliska Muqdisho ku soo dhex jiray isla markaana mar loo xiray weerar inuu fududeeyay weerar lagu qaaday Hotelka SYL ayaa qaab beelnimo ah loo sii daayay, waxaana markaas lagu tuhumay inuu xiriir hoose la leeyahay Alshabaab.