Thursday, June 26, 2025

Taliyihii ugu awoodda badnaa Ciidamada Milateriga Itoobiya oo xilkii laga qaaday [Akhriso]

Ra’iisal wasaaraha xowliga ku socda ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilkii ka qaaday ninkii ugu awoodda badnaa milateriga dalkaasi ee taliyaha ciidamada Itoobiya Jeneraal Samora Yunis.

Wararka ayaa sheegaya in Gen. Samora uu ahaa “shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd milatariga” Itoobiya. Waxaana la sheegay in xilkaasi loo magacaabayo Jeneraal Seare Mekonen sida ay sheegeen xubno ku dhow Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Xil ka qaadista Jeneraal Samora Yunis ayaa ku soo beegmeysa iyadoo lagu waday inuu dhowr bilood kadib shaqada ka fariisto, wuxuuna ka mid ahaa raggii u soo dagaalamay fallaagadii xukunka ka tuurtay Mengistu Haile Mariam 1991 ee Meles Zenawi awoodda u dhiibtay.

Tobanaankii sanadood ee ka dambeeyeyna waxa uu ahaa nin ay aad iskugu dhowaayeen Meles Zenawi. isla markaana xubin muhiim ah ka ahaa ciidamada nabadgelyada ee aadka looga baqo.

Shaqo ka fariisinta Jeneraal Samora ayaa la filayaa inay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed siiso fursad uu dib ugu qaabeeyo xiriirka uu la leeyahay ciidamada oo ah awoodda ugu sareysa dalkaasi, kuna lug leh siyaasadda iyo dhaqaalaha dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON