Taliyihii Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa shaqadii laga joojiyey, kadib dood iyo fadeexad ka dhalatay maxbuus xanuunsanaa oo laga saaray Xabsiga Dhexe, kaasoo uu taliyuhu dib u soo celiyey.
War kasoo baxay Talisak ciidamada Asluubta ayaa algu sheegay in maanta shaqadii laga joojiyey Taliyihii Xabsiga Dhexe Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile), iyadoo la magacaabay Guddi baaris oo ka kooban saddex xubnood uu hoggaaminayo Jeneral Xasan Cumar Afrax, laguna dhaqmi doono wixii guddigaasi soo saaro.
Falkan oo si weyn loogu baahbaahiyey baraha bulshada ayaa doodiisu timid markii nuu Isbitaalka Martiini ku geeriyooday 16-kii bisan maxbuuska lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow oo ku xukunnaa 8 sano oo xariga ah, kaasoo xabsiga ku qaato 3 sano iyo dheeraad.
Taliyaha Xabsiga dhexe ayaa maxbuuska xanuunsanaa kala baxay Isbitaalka Yardameli ee magaalada Muqdisho, isgoo geeyay isbitaalka kale ee Martiini.