Thursday, June 26, 2025

Taliyihii Xabsiga Dhexe oo xilka laga qaaday, kadib markii uu shaqada kusoo celiyey Taliyaha Ciidamada Asluubta…

Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa xilkii laga qaaday waqti yar kadib markii uu xilka dib ugu celiyey Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Xabsiga Dhexe Jeneraal Maxamed Sheekh Xirsiile uu dib shaqada ugu celiyey Taliyaha ciidamada Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan, iyadoo wax yar kadib tallaabada uu qaaday ay soo farageiisay dowladda Soomaaliya oo si toos ah xilka uga qaaday taliyaha oo baraha bulshada si weyn loogu faaqiday fal uu maxbuus xanuunsanaa uga saaray isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Taliye Xersiile ayaa shaqada looga joojiyey kadib muran ka dhashay maxbuus xabsiga ku xanuunsaday oo la geeyay mid ka mida isbitaallada Muqdisho, iyadoo uu taliyaha si awood ah uga baxay isbitaalkii la geeyay.

Taliyaha cusub Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay G/sare Aadan Xuseen Kulmiye, waxaana muuqata inuu sidaasi xilkiisa ku waayey taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON