Madaxweynaha Hirshabelle Maamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiir ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Tabio Massimo.
Kulanka ayaa looga wadahadlay taageerada Talyaaniga hore u ballan qaaday mashruuca biyo xireenka magaalada Beledweyne iyo kal u helidda fatahaadda kusoo noqnoqtay magaalada Beledweyne, iyadoo mashruuc uu Talyaaniga ku deeqay inuu kharashkiisa bixiyo laga wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Talyaaniga ayaa ogolaatay inay bixiso kharashka Mashruuci mudadda dheer la sugayay ee ka hortaga Fatahaada magaalada Beledweyne, iyadoo ay ku baxeyso Lix Milyan oo dollar (6,000,000$), ayna fulineyso Q/Midoobay.
Safiir ku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in lacagta Dowladda Talyaaniga ay mashruucaasi soo marineyso Hay’adda Cunada iyo Beeraha Ee FAO oo fulin doonto howsha.
Arrintan ayaa horumar weyn u ah Gobolka Hiiraan, iyadoo in ka badan laba sano uu mashruucaasi u xayirnaa shuruudo laga sugayey dowladda Federaalka oo wasaaradeeda Beeraha ay kasoo bixi weyday.
