Thursday, September 24, 2020
More

    Turkiga oo dib u dhisaya Dekedda magaalada Beirut iyo Amiirka Qatar oo ku deeqay 14 Milyan Dollar

    Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhis ku sameyneyso Dekadda magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, iyadoo Amiirka dalka Qatar uu ku deeqday lacag gargaar ah.

    Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa shaaciyey kadib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto dib u dhiska dekadda Beirut oo ku burburtay qaraxii weynaa ee dhowaan ka dhacay.

    Ad

    Dekadda Mersin ee Turkiga, ee ku taal badda Mediterranean ayuu sidoo kale sheegay in ay diyaar u tahay in ay Lubnaan ka caawiso adeegyada kastam-ka iyo keydinta shixnadaha waaweyn illaa Dekadda Beirut dib loo dhiso.

    Oktay waxa kale oo uu hadalkiisa ku xusay in diyaarada ambalaasyada ah ee Turkigu ay dadka dhaawacyada ah u qaadi karaan Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa u diray Lubnaan koox caafimaad, saanad iyo sidoo kale koox howlaha baadi goobka iyo badbaadinta gacan ka geysata.

    Dhinaca kale Aiirka Qatar Tamim Bin Hamad Althani ayaa 50 Milyan oo Riyaalka Qatar ugu deeqay dalka Lubnaan oo u dhow 14 milyan oo doollar si loogu gargaaro dhibaatada ka dhalatay qaraxii magaalada Beirut.

    Dowladda Qatar ayaa dalka Lubnaan u dirtay koox gurmadka degdegga ah iyo diyaarado sida mucaawino raashin, Qalab iyo Daawooyin sida.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,596FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow
    147,596FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,620FollowersFollow

    TOP NEWS

    Ra’iisal wasaare Rooble oo bilaabay la-tashiyada magacaabidda Golaha Wasiirada (Wasiirada dib u soo laabanaya)

    Waxaa la filayaa inuu Ra'isal wasaare cusub dib u magacaabo tiro badan oo ka mida Golihii Wasiirada xukuumadii Xasan Cali Kheyre

    Qoyska Marxuumad Xamdi oo Digniin Culus soo saaray & Baareyaashii Kiiska oo isbedel lagu sameeyay

    Ehelada Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Muqdisho lagu kufsaday, laguna dilay waxay sheegeen in mas'uuliyiin sare faragelin ku hayaan Kiiska, lana bedelay...

    Maxamed Xuseen Rooble: Ra’iisal Wasaare Afar Biloodle ah iyo 8-da Shaqo ee uu isu diray (Akhriso)

    Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo maanta 23-ka September codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu taariikhda ku...

    Golaha Shacabka oo Cod Aqbaliyad ah kalsooni ku siiyey Ra’iisal wasaare Rooble

    Codka Kalsoonida ayaa loo qaaday Ra'iisa lwasaare Rooble, waxayna natiijadii noqotay in Aqlabiyad lagu meel mariyo

    Madaxweyne Farmaajo: “Maxamed Xuseen Rooble waa Nin aan ku aamni karo xilka Ra’iisal wasaaraha..”

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Ra'iisal wasarha uu soo magacaabay ee Maxamed Xuseen Rooble.

    Xaalad ka taagan Khudbadda Baarlamaanka ee Madaxweyne Farmaajo & Kalsooni siinta Ra’iisal wasaare Rooble

    Xildhibannada Golaha shacabka ayaa maanta kulan gaara oo ku saabsan Kalsooni-siinta Ra'iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, laakiin waxaa wehliya khudbad uu...

    Xildhibaan uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu Baarlamaanka kala hadlo Heshiiskii Doorashada

    "Haddii uu isku dayo Madaxweynaha inuu Sharciga Doorashada Keeno Baarlamaanka Firimbi iska dhaafe Durbaanno ayaa ku yeerinaynaa.."

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!