Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya
ayaa afka furtay isagoo eedeyn ba’an u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mudane Tarsan ayaa sheegay inuu Ugaaskiisa ka hor istaagay inuu u tartamo kursi ka mida Aqalka hoose ee Baarlamaanka, kadib markii lacag xoog leh ka helay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku eedeeyay madaxweynaha xilkiisa dhammaaday inuusan ahayn oo kaliya nin hogaamiya nidaam musuq ah ee uu dhaawacay odayaashii dhaqanka isagoo sameeyay bulsho musuq ah.
Wuxuu is weydiiyay Mudane Tarsan macnaha ay leedahay in doorasho la galo haddii qof uu go’aan ka gaari karo cidda ay tahay inuu tartamo iyo kana laga reebayo tartanka Doorashada.
Qoraalo is daba joog ah oo Maxamed Axmed Nuur Tarsan soo dhigay bartiisa twitter ayaa waxaa ka muuqda niyadjab xoog leh, lama oga inay taasi doonto inuu ka baxo tartanka doorashada 2016.
Goobjooge.com