Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu u sharxan yahay jagada madaxweynaha Soomaaliya 2016.
Xaflad weyn oo boqolaal qof ay ka qeybgeli doonaan ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho, iyadoo si rasmi ah uu musharaxa u shaacin doono inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha.
Mudane Tarsan ayaa ka mida madaxda xisbiyada siyaasadeed dhistay ee xusul duubka ugu jira inay ku guuleysteen xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Xafladda Tarsan ee maanta ayaa la sheegay inay noqon doonto tii ugu balaarneyd ee musharax ku qabto magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com