Musharax Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa faahfaahin ka bixiyay wixii ka dhacay Doodii Doorashada musharixiinta ee fashilantay.
Wuxuu sheegay in doodu ay ahayd mid la doonayay in dadka Soomaaliyeed loo baahiyo si ay u ogaadaan musharaxiinta iyo fekerkooda laakiin ay la wareegtay dowladda, Guddigii madaxa bannaanaa ee doorashadana aysan madax bannaaneyn.
“Waxaa lagu soo rogay in doodu aysan toos noqon, loona diido saxaafadii kale, TV-ga Qarankana waxaa qaatay Xasan Sheekh iyo Maareeye, waxayna doonayaan inay jarjaraan codadka oo intii ay rabaan sii daayaan..” ayuu yiri Tarsan oo sheegay inay arrintan tahay ceeb iyo fadeexo in Maareeye uu weli heyto TV-gii Qaranka oo hantidii umadda lagu takri falo.
12 musharax ayaa maanta ka baxay dooda kadib markii la soo rogay inaysan toos noqon isla markaasina saxaafadda kale aanay baahin.
Goobjooge.com