Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee aan weli xilka la wareegin ayaa u muuqda inay hareeyeen arrimo u baahan in degdeg wax looga qabto iyo go’aan qaadasho adag.
Madaxweynaha oo shacbiyad badan leh, isla markaana taageerayaashiisa ku tilmaameen wadani adag ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka qaato heshiis dowladda Imaaraadka Carabta la gashay maamulka Somaliland.
Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Imaaraadka ay saldhig milateri ku yeelato magaalada Berbera, waxaana ansixiyay shalay golayaasha Baarlamaanka iyo odayaasha ee Somaliland.(AKHRI NUXURKA HESHIISKA).
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tallaabada ay qaaday waxay faragelin ku tahay Soomaaliya iyadoo aanu sharci ahaan fuli karin heshiis ay la gasho qeyb ka mida Soomaaliya, maadaama Somaliland ay sharci ahaan ka mid tahay Soomaaliya.
Imaaraadka wuxuu ka mid yahay dalalka ku dhex milmay siyaasadda Soomaaliya oo maamul goboleedyada si isku mida ula macaamila isagoo siiya taageero milateri, isla markaana la gala heshiisyo aanay ka warqabin dowladda Federaalka.
Dowladii hore ee Xasan Sheekh ayaa mar ka hor timid heshiiska, laakiin waxaa hareey mugdi badan iyo mowqif aan caddeyn, iyadoo inta badan madaxda dowladii hore ay indhaha ka qabsan jireen falalka gurracan ee safiirka UAE u jooga Muqidsho, waxaana weli muuqda faragelintii Imaaraadka ku sameeyay Doorashadii Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inuu go’aan cad oo qarannimo ka qaadan doono arrintan iyo inuu la mid noqon doono madaxdii hore danta dalalka kale ka hormarin jiray tan dalkooda.
Goobjooge.com