Guddiga Gurmadka ee musiibadii Qaraxii Soobe ayaa xalay soo gabagabeeyay howshoodii gurmadka, iyagoo shaaciyay tirada ugu danbeysa ee dadka ku dhintay qaraxaasi.
Xaflad la dhacday Xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ayuu Guddiga Gurmadka Qaran uu shaaciyey in tirada dhimashada Qarixii Soope ay gaartay 656, halka ay ku dhaawacmeen 340 qof, waxaana qaraxa uu agoon ka dhigay dad gaaraya 2340, iyadoo ay ku hanti beeleen dad gaaraya 364.
Guddiga ayaa ururiyey Lacag ka badan 4-milyan oo Dollar oo ka gaarsiiyey dad gaaraya 3000 qof, oo adeegyo kala duwan loo qabtay, sida uu goobta ka sheegay guddoomiyaha guddiga C/llaahi Maxamed Shirwac.
Warbixinta gunaanadka howshii guddiga Gurmadka Qaran ayaa talo loogu soo jeediyay Madaxda Qaranka inay kafaala qaadaan caruurtii ku agoontowday dhacdadii 14-october, iyadoo Hey’ado laga leeyahay dalalka Qatar iyo Imaaraadka ay kafaala qaadeyn boqolaal kamid ah caruurta agoonta ah.