Iyadoo Qaaradda Yurub uu si weyn ugu fidayo Cudurka Coronavirus ayna dhimashada gaartay in ka badan 20,000 qof ayaa sidoo kale waaa sii kordhaya Soomaalida ku nool dalalkaasi ee geeriyootay COVID-19, siiba dalalka Sweden iyo UK.
Mas’uuliyiinta jaaliyadaha Soomaalida qurbe joogta ah ayaa xaqiijiyey in Soomaalida Coronavirus uu geeriyootay Sweden ay gaartay 12 qof, halka UK ay tirada geerida cudurka ay ka badan tahay 9 qof. Waxaa kaloo jira Soomaali kale oo cudurka ugu geeriyootay dalal kale oo Yurub ah.
Qaar ka mida dadka ku geeriyooday UK, waxaa ka mida C/qaadir Maxamed Faarax Biriq oo ugu horeeyay, Axmed Muxumed (Ceynaanshe), Maxamed Salaad iyo Maxamed Cilmi (Qowdhan), waxaa kaloo weli isbitaallada ku jira tobanaan qof oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wiil uu dhalay.
Soomaalida qurbaha ku nool siiba dalalka Yurub ayaa lagu eedeeyay inaysan qaadan tallada caafimaad ee cudurka Coronavirus, taasoo keentay inay is qaadsiiyaan cudurka.