War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo kooxda la shaqeysa ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa goor dhoweyd lagu shaaciyay in 6 qof ay maanta cudurka Coronavirus ugu dhinteen dalka.
Warbixinta 24-ka saac ee maanta oo ah 21-ka April 2020 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 49 qof oo ka mida laga helay cudurka Covid-19, waxaa sidoo kale cudurka u geeriyooday 6 qof, iyadoo 2 kale ay ka bogsoodeen.
Tirada guud ee dadka Soomaaliya cudurka qaba ayaa sare u kacday oo hadda gaartay 286, waxaana dadka u dhintay ay gaartay 14 qof.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..